Soomaaliya oo Dalalka Carabta ka Dalbatay Inay Ka Fogaadaan Xidhiidhka iyo maalgashiga Somaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta in aanay u oggolaan dhulkooda, dekedahooda, shirkadahooda iyo nidaamyadooda maaliyadeed in loo adeegsado wax kasta oo fududaynaya xidhiidh ama maalgashi lala yeesho Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa baaqaan jeediyey intii lagu guda jiray furitaankii shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee ka qabsoomay magaalada Ammaan ee dalka Urdun, sida ay qortay warbaahinta Dawan Africa.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga walaacsan tahay dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland samaynayso, isaga oo ku adkaystay in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin cid ajnabi ah oo xaq u leh inay si gaar ah ula macaamisho.

“Dowladda Soomaaliya waxay si ixtiraam leh uga codsanaysaa dhammaan dalalka Carabta inay hubiyaan in aan dhulkooda loo adeegsan maalgelin, fududayn, sharciyeyn ama caadiyeyn wax kasta oo la xidhiidha gobolkan gooni u goosadka ah ee waqooyi-galbeed,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladaha Carabta in aanay u oggolaan nidaamyadooda maaliyadeed, shirkadahooda, dekedahooda iyo hay’adahooda kale in loo isticmaalo wax kasta oo Soomaaliya u aragto xidhiidh sharci-darro ah oo lala yeesho Somaliland.

Cali Balcad ayaa sheegay in arrintani ay taabanayso mabda’a dhowrista midnimada dhuleed ee dalalka Carabta, isaga oo xusay in laga hortago tallaabo kasta oo sharciyeyn ama aqoonsi siin karta dhaqdhaqaaqyada gooni isu taagga ah.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya aanay doonayn xiisad ama iska horimaad hor leh, balse ay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Baaqa Soomaaliya ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogaysanayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan ballaadhinta xidhiidhadeeda dibadda, gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker