Iran: Ma jiraan wax qorshe ah oo lagu geli doono goobaha Nukliyeerka

Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa mar kale beeniyay inuu oggolaaday in Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ay kormeerto xarumaha nukliyeerka ee waxyeelladu gaartay iyo agabka nukliyeerka.

Mr Gharibabadi ayaa bartiisa X ku qoray:โ€œSwitzerland wax kulan ah lagulama yeelan Rafael Grossi, inkastoo uu codsaday,sidoo kale ma jiraan qorshayaal lagu galayo xarumaha la weeraray, mana jiro wax agab nukliyeer ah oo halkaas yaalla.โ€

Isagoo ka jawaabaya hadalladii uu maalmihii la soo dhaafay sheegay Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa J.D. Vance, ayuu qoray:โ€œMa raaci kartaan siyaasad ah โ€˜samee oo tuurโ€™ oo lagu laray buunbuunin warbaahineed.โ€

Saacad ka hor qoraalka Gharibabadi, madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in la filayay in dib loo bilaabo kormeerka xarumaha nukliyeerka ee Iran, balse ma uusan sheegin waqti cayiman.

Grossi oo ku sugnaa Japan ayaa wariyeyaasha u sheegay in isfahamka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran uu si cad u dhigayo in hawlaha nukliyeerka:โ€œAy hoos iman doonaan kormeerka Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada.โ€

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:โ€œMa jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda, mana jiro siyaasad arrintaas ku saabsan.โ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker