Trump oo sheegay in Iran ay ogaalatay in la baaro goobaha nukleerka hadii aysan ogaalana uusan heshiis jireen

Trump

Xigashada Sawirka,Getty Images

Donald Trump ayaa sheegay in “Iran ay si buuxda oo shuruud la’aan ah u ogolaatay in baaritaano heerkoodu sareeyo lagu sameeyo Nukliyeerkeeda, kuwaa oo soconaya muddo aad u dheer mustaqbalka (weligood!!!)’.

“Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri, “Haddii Iran aysan aqbali lahayn arrintan, ma jiri lahayn wax wada xaajood ah oo dheeraad ah.”

Saacado ka hor, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in Iran aysan qorsheyneynin inay IAEA u ogolaato inay booqdaan xarumaha nukliyeerka ee ku waxyeeloobay dagaalka.

Hadalkan ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ee ahaa in Iran ay ogolaatay soo celinta kormeerayaasha IAEA.

Faallooyinka uu ugu dambeeyay ee ku saabsan kormeerka barnaamijka Nukliyeerka Iran, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku qoray Truth Social, isagoo ku celceliyay hadalkii madaxweyne ku xigeenkiisa ee shalay, “Aniga oo ka duulaya heshiiskaan iyo kuwii kale ee muhiimka ahaa ee Iran ogolaatay, waxaan isku raacnay in marin biyoodka Hormuz uu sii ahaan doono mid furan oo aan la soo rogi doonin xayiraad kale oo badda ah. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan maraakiibta ayaa sii joogi doona halkooda si ay dib ugu soo celiyaan xayiradii takadaha hadii loo baahdo, inkasta oo in ay dhacdaaba aysan u badnayn.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker