Xukuumada Raiisul wasaare Boris Johnson oo Baarlamaanka Wadankiisa kala Kulantay Cadaadiskii Abid ugu Waynaa

Baarlamaanka UK ayaa ku guuleystay inay ku khasbaan Xukuumada Raiisul wasaare Boris Johnson inay shaaciso Xogta iyo daraasada xukuumada Ingiriisku ku sameysay waxa dhici kara hadii wadanka UK isaga baxo Midowga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka EU-da.

 

Daraasadan ay xukuumada ka qarineysay shacabka ayaa waxaa kamid ah in marka wadankaasi ka baxo EU-da ay dhici karto in sicir barar ku yimaado raashinka daruuriga ah iyo waliba daawooyinka, isla markaana khal khal weyn geli doono Suuqa wadankaasi oo ku xidhan suuqweynaha dalalka Midowga Yurub.

 

Shacabka iyo Ganacsatada UK diyaar uma aha inay u babac.dhigaan caqabadaha ka iman kara Barnaamijka Ka bixidda ee Loo yaqaan Brexit ayaa lagu yidhi Daraasadan loogu magacdaray “”Operation Yellowhammer”.

 

Raysalwasaare Boris Johnson ayaa isagu diidanaa in xogta la shaaciyo balse ku khasbanaaday inay daraasadan shaaciyaan kadib markii Baarlamaanka UK uu todobaadkan kalfadhigoodii ugu danbeeyey ay ku ansixiyeen sharci ku khasbaya Boris Johnson iyo Wasiiradiisa inay xogtan shacabka la wadaagaan.

 

Shacabka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisada ka taagan Brexit iyadoo horey ay u jirtay cabsi ah in hoos u dhac dhaqaale dalkaasi soo wajahdo hadii ay ka baxaan Midowga Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker