Xildhibaan Ilhan Omar oo sheegtay in hantideeda saafiga ahi aad u hooseyso

Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa sheegtay in hantideeda saafiga ahi ay aad u yar tahay, kadib markii la shaaciyey warbixinteedii maaliyadeed ee ugu dambeysay oo muujisay in seygeeda, Tim Mynett, uu sannadkii tegay ka helay dakhli aad u kooban ganacsiyadiisa.

Sida ku cad warbixinta maaliyadeed ee 2025, Mynett ayaa la sheegay inuu ka helay inta u dhaxaysa $200 ilaa $1,000 shirkad khamri soo saari jirtay oo lagu magacaabo eStCru, halka aan wax dakhli ah laga diiwaangelin shirkaddiisa maalgelinta ee Rose Lake Capital.

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in hantida guud ee lammaanahan lagu qiyaasay inta u dhaxaysa $20,000 iyo $125,000. Dhanka kale, waxaa lagu sheegay inay leeyihiin deymo u dhexeeya $30,000 iyo $100,000 oo la xiriira amaah waxbarasho iyo kaararka deynta, taasoo ka dhigaysa hantidooda saafiga ah mid u dhexeysa khasaare dhan $80,000 iyo faa’iido gaareysa $95,000.

Warbixintan oo la gudbiyay bishii May ayaa timid kadib markii Omar ay wajahday su’aalo la xiriira wax-ka-beddel lagu sameeyay warbixinteedii maaliyadeed ee 2024. Qoraallo hore ayaa muujinayay in hantideeda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa $5 milyan iyo $30 milyan, balse Omar ayaa sheegtay in khaladaad xisaabeed ay sababeen kala duwanaanshahaas.

Shirkadda Rose Lake Capital ayaa warbixintii 2023 lagu qiimeeyay wax ka yar $1,000, hase yeeshee sanad kadib qiimaheeda waxaa lagu sheegay inuu gaari karo inta u dhaxaysa $5 milyan iyo $25 milyan. Sidoo kale, shirkadda eStCru ayaa qiimaheedu kor uga kacay wax ka yar $50,000 ilaa malaayiin dollar sida lagu sheegay warbixinnada la soo gudbiyay.

Muran siyaasadeed ayaa arrintan ka dhashay, iyadoo xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay dhaliileen isbeddellada ku yimid xogta maaliyadeed ee Ilhan Omar. Dhanka kale, Ilhan ayaa si adag u beenisay eedeymo kasta oo la xiriira musuqmaasuq ama falal sharci-darro ah.

Bilihii la soo dhaafay, guddiyo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa sidoo kale baaritaanno ku sameeyay kororka lagu sheegay hantida Omar iyo seygeeda. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto dacwad ama eedeyn rasmi ah oo lagu soo oogay Omar oo ku saabsan arrimahaas, iyadoo iyaduna marar badan ku celcelisay inay gebi ahaanba diidan tahay eedeymaha loo jeediyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker