Taliyihii hore ee Danab oo dhaliilay habka Dowladda Federaalka u maamulayso ciidamada ay ka qoranayso Puntland.
Taliyihii hore ee Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, Col. Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Warsame (Jeeniqaar), ayaa dhaliilay habka dowladda federaalku u waddo qorista iyo diiwaangelinta ciidamada cusub ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay ka qoranayso degaanada Puntland.
Col. Cabdiraxmaan Jeeniqaar ayaa sheegay in qorista ciidamada ay tahay hawl si buuxda ugu xiran taliska ciidanka xoogga dalka, isla markaana ay jiraan nidaamyo iyo habraacyo rasmi ah oo loogu talagalay qaadashada askarta cusub.
Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay daahfurnaan la’aanta ku hareeraysan qorista ciidamada, isaga oo sheegay in habraacyada hadda jira aysan si ku filan uga faa’iidaysanayn dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh, isla markaana aan maamulka geeddi-socodkaasi si toos ah ugu jirin gacanta ciidanka.
Taliyihii hore ee Danab ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay tayada qaar ka mid ah dadka lagu darayo ciidanka, isaga oo ku dooday in askarta leh balwadaha qaadka iyo sigaarka ay culays dhaqaale oo weyn ku noqon karaan dowladda. Wuxuu sheegay in kharashaadka la xiriira isticmaalka maandooriyeyaasha noocaas ah ay si weyn u kordhin karaan miisaaniyadda lagu bixiyo ciidamada.
Jeeniqaar ayaa ku baaqay in mudnaanta la siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh aqoon, karti iyo hufnaan, kuwaas oo uu sheegay inay wax weyn ku biirin karaan horumarinta iyo xirfadaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada qaranku u baahan yihiin nidaam ku dhisan kala dambayn, isla xisaabtan iyo xirfad ciidan oo sare.
Col. Cabdiraxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa maamulayay taliska ciidanka Danab intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.




