Iran oo sheegtay in si buuxda loogu soo celinayo hantiteedii la xayiray

Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku xigeenka fulinta Iran, ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo heshiiska isfahamka ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, in hantida Iran ee la xayiray “si buuxda loo sii deyn doono.”

Waxa uu sheegay in wadarta hantida Iran ee la sii dayn doono ay u badan tahay 25 bilyan oo doolar.

Wareysi uu siiyay IRNA ayuu Mr. Ghaempanah ku sheegay in safarka Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha baarlamaanka Iran, oo ay weheliyaan kooxda wadahadalka Iran ee Qatar lagu go’aamiyay sida iyo qaabka loo sii deynayo hantida Iran.

Madaxweyne ku xigeenka fulinta ee Iran, waxa uu tilmaamay in harka dagaalka ee dalka laga qaado ay hoos u dhigayso culaysyada dhaqaale ee haysta dadka, waxaanu intaa ku daray: “Hantida Iran ee la sii daayo waa in loo adeegsadaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha waxay dadka siin doonaan daryeel iyo raaxaysi.

Goor sii horreysay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hantida Iiraan ee la xayiray intii uu socday dagaalka ay tahay in dalka lagu soo celiyo.

Waxa uu yiri “Lacagtayagii maaha, lacagtani waa lacagtoodii oo waanu xayirnay, waxa ay ila tahay in mar uun aanu soo celino”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker