Tebin toos ah 42 Daqiiqadood ka horNetanyahu: Aniga ayaa amray ciidamada in ay weeraraan Xisbullah kaddib markii ay jabiyeen xabadjoojinta Weerarada Israel ee LubnaanXigashada Sawirka,Reuters Raysalwasaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo ka jawaabayay dilka taliyaha guutada 52-aad iyo saddex askari oo kale, ayaa ku qoray barta X in uu rajeynayo in dhiigga askarta daatay loo aargudi doono. Netanyahu wuxuu ku tilmaamay weerarka Xisbullah mid si cad ugu xadgudubaya xabadjoojinta, wuxuuna ku qoray barta X, “Xalay waxaan ku amray ciidamada Israel in ay awoodooda oo dhan ku weeraraan Xisbullah”. Sida uu sheegay Netanyahu, ciidamada Israel ayaa weeraray in ka badan 80 goobood oo ay Hezbollah ku sugnaayeen, isla markaana dilay tobannaan xubnood oo ka tirsan ururka. Wuxuu mar kale ku celiyay in Israel aysan u dulqaadan doonin weerarrada lagu qaado askarteeda ama dhulkeeda, ayna ka bixinayaan jawaab culus. Raysalwasaaraha ayaa sheegay in saaka uu qiimeyn ku sameeyay xaaladda howlgalada ka socda koonfurta Lubnaan isaga, wasiirka Difaaca iyo taliyaha guud ee ciidamada dalkiisa, wuxuuna mar kale ku celiyay in “Israel ay sii joogi doonto koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta deegaanada waqooyiga.” Sii akhri Hogaamiyaha Iiraan oo xayiraaddii Maraykanku ka qaaday Hormuz ku tilmaamay inay u gaysay “Quus iyo rajo xumo” Israa’iil oo sheegtay inay Lubnaan ku qaadday weerar dhanka dhulka ah Hogaamiyaha Iiraan oo xayiraaddii Maraykanku ka qaaday Hormuz ku tilmaamay inay u gaysay “Quus iyo rajo xumo” La wadaag, Netanyahu: Aniga ayaa amray ciidamada in ay weeraraan Xisbullah kaddib markii ay jabiyeen xabadjoojinta Saacad ka horWasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa joojiyay booqashadiisa Mareykanka kaddib hadallo uu Trump ka sheegay Ms. Meloni. Trump iyo MeloniXigashada Sawirka,Getty Images Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa joojiyay safar uu ku tegi lahaa Mareykanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hadallo ka sheegay raysalwasaaraha Talyaaniga. Hadalada ayaa u muuqday kuwo lagu jeesjeesayo Giorgia Meloni. Antonio Tajani, oo la qorsheeyay in uu booqasho ku tago Mareykanka inta u dhexeysa 21–22 June, ayaa ku qoray bartiisa bulsho sidan, “Erayada aflagaadada ah ee ka soo baxay madaxweyne Trump…waxay meel ka dhac ku yihiin dhammaan shacabka Talyaaniga”. Raysalwasaare Meloni ayaa sidoo kale sheegtay in ay “la yaabtay” hadallada Donald Trump, mar ay wareysi siisay warbaahin Talyaani ah. Qoraal lagu daabacay wargeys Talyaani ah ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku hadlay erayadan, “Marwo Meloni waxay si weyn u dooneysay in ay sawir ila gasho shirkii G7, sababtuna waxay aheyd in qalbiga ay ka xanuunsaneysay”. Trump wuxuu kaloo sheegay in Giorgia Meloni ay ku faraxday in aan la hadlo, inkastoo aan ku qasbaneyn in aan la hadlo. Meloni ayaa hadalladaas ku tilmaantay “been-abuur”, waxayna hadalkeeda ku dartay, “Aniga iyo Talyaaniguba cidna ma baryeyno.” Donald Trump ayaa aragti xun ka qaatay Giorgia Meloni bishii April, kaddib markii ay difaacday Pope Leo iyo aragtidiisa ka dhanka ah dagaalka, taas oo uu Trump si adag u dhaliilay. Sii akhri Georgia Meloni: Kabalyeeri (adeegto maqaayad) ilaa Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Hogaamiyeyaasha dunida oo ku tilmaamay canshuuraha Trump mid ‘khalad ah’ oo aan loo ‘meel dayin’ Madaxweyne Trump oo sheegay inuu “mudnaan siinayo” arrinta biyo-xireenka Itoobiya La wadaag, Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa joojiyay booqashadiisa Mareykanka kaddib hadallo uu Trump ka sheegay Ms. Meloni. 2 Saacadood ka horRag hubeysan ayaa 35 qof ku dilay garoonka diyaaradaha ugu weyn ee Niger
35 qof ayaa geeriyooday kaddib markii rag hubeysan ay soo weerareen garoonka diyaaradaha ugu weyne dalka Niger maanta sida ay sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan.
Weerarkan ayaa ahaa kii labaad ee lagu soo qaado garoonka in ka yar shan bilood. Dad ay la hadashay BBC-da ayaa u sheegay in saladda subax kaddib ay maqleen qarax iyo rasaas ka dhaceysa dhinaca garoonka diyaaradaha caalamiga Diori Hamani ee magaalada Niamey.
Wasiirka difaaca Niger ayaa sheegay in dadka dhintay ay isugu jiraan 22 weerarka soo qaaday, 11 askari iyo labo qof oo rayid ah.
Kooxda weerarka soo qaaday oo lagu magacaabo Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) kuwaas oo xiriir la leh Al-qaeda ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen weerarka.
Bishii Janaayo ee sanadkan ayey koox xiriir la leh kooxda la baxday dowaldda Islaamka sheegatay in ay ka dambeeyeen weerar kale oo lagu soo qaaday isla garoonka diyaaradaha. In ka badan 10 sano ayey Niger ka socdaan dagaalada xagjiriinta.
Ciidamada ammaanka ayaa xaaladda caadi ku soo celiya baraqadii maanta, waxayna bilaabeen in ay raadiyaan haraadigii kooxda.
Madaarka ayaa sidoo kale ah saldhig militari taas oo ka dhigeysa goobta ugu muhiimsan Niger.




