Netanyahu: Aniga ayaa amray ciidamada in ay weeraraan Xisbullah kaddib markii ay jabiyeen xabadjoojinta
Raysalwasaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo ka jawaabayay dilka taliyaha guutada 52-aad iyo saddex askari oo kale, ayaa ku qoray barta X in uu rajeynayo in dhiigga askarta daatay loo aargudi doono.
Netanyahu wuxuu ku tilmaamay weerarka Xisbullah mid si cad ugu xadgudubaya xabadjoojinta, wuxuuna ku qoray barta X, “Xalay waxaan ku amray ciidamada Israel in ay awoodooda oo dhan ku weeraraan Xisbullah”.
Sida uu sheegay Netanyahu, ciidamada Israel ayaa weeraray in ka badan 80 goobood oo ay Hezbollah ku sugnaayeen, isla markaana dilay tobannaan xubnood oo ka tirsan ururka.
Wuxuu mar kale ku celiyay in Israel aysan u dulqaadan doonin weerarrada lagu qaado askarteeda ama dhulkeeda, ayna ka bixinayaan jawaab culus.
Raysalwasaaraha ayaa sheegay in saaka uu qiimeyn ku sameeyay xaaladda howlgalada ka socda koonfurta Lubnaan isaga, wasiirka Difaaca iyo taliyaha guud ee ciidamada dalkiisa, wuxuuna mar kale ku celiyay in “Israel ay sii joogi doonto koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta deegaanada waqooyiga.”




