Wararka Ciyaaraha : Xiisaha Kulanka Barcelona iyo Juventus

Barcelona oo isha ku haysa inay booska 1-aad kaga dhammaysato Group G ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Juventus kulan xiiso badan walow ay labada dhinacba wareega xiga ee 16-ka u gudbeen.

 

 

Qaab ciyaareedka Barcelona ee xilli ciyaareedkan ee Champions League ayaa ahaa mid cajiib ah iyagoo soo guuleystay dhammaan 5-tii kulan ee ay ciyaareen kuna soo adkaaday tiro guud ahaan 16-2 ah.

 

 

 

Qaabka kaliya ee ay Juventus booska 1-aad kaga qaadi karto Juventus ayaa ah haddii ay kaga badiso wax ka badan 2-0 amaba ay kaga adkaato farqi 2 gool ah balse aan 2-0 ahayn sida 4-2 ama 3-1.

Xogta Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor.

 

 

Barcelona ayaa dhawaan xaqiijisay dhaawaca Ousmane Dembele kaddib kulankii Cadiz ee La Liga taas oo xaqiijinaysa inuu maqnaan doono kulankan.

 

 

Dembele ayaa miiska daawaynta kula biiraya Ansu Fati, Gerard Pique, Sergi Roberto iyo Samuel Umtiti oo la filayo inuu markale maqnaan doono.

 

 

Marka laga yimaado inay xilli horeba booskooda 16-ka xorraysteen, Ronald Koeman ayaa la filayaa inuu shax adag oo ay ku jiraan Lionel Messi, Antoine Greizmann iyo Philippe Coutinho soo xulan doono.

 

 

Pedri iyo Miralem Pjanic ayaa kusoo laaban kara shaxda Barca, Araujo ayaa booska kala bixi kara Mingueza kaddib markii uu dhaawac kasoo kabtay.

 

 

Dhinaca Bianconeri waxa la filayaa inay wali sii maqnaan doonaan Buffon, Cheillini iyo Merih Demiral balse waxa diyaar ah Alvaro Morata.

 

 

Paulo Dybala ayaa markale keydka loo dhaadhicin karaa taas oo ka dhigan in Chiesa iyo Kulusevski ay garbaha weerarka kusoo bixi karaan.

 

 

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

 

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Araujo, Lenglet, Alba; Pjanic, De Jong; Pedri, Messi, Coutinho; Griezmann

 

Juventus: Szczesny; Cuadrado, Bonucci, De Ligt, Sandro; Kulusevski, Rabiot, Bentancur, Chiesa; Morata, Ronaldo

 

 

XOGTA KULANKAN

Tartanka: Champions League

Garoonka; Camp Nou

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker