Duulimaadyo toos ah oo isku xidhaya Hargaysa iyo TelAviv oo dhawaan la bilaabayo
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey i24NEWS ku shaaciyey in duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Hargaysa iyo Tel Aviv ay u bilaaban doonaan “si dhakhso ah”, taasi oo qayb ka ah xoojinta xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Somaliland muddo dheer raadinaysay waddooyin ay ku fududayn karto isu socodka caalamiga ah, maadaama nidaamka hawada iyo habraacyada qaarkood ee socdaalka ay weli saamayn ku leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Somaliland waxay muddo ka cabanaysay in dadka u socda Hargaysa marar badan lagu khasbo inay maraan waddamo kale ama ay la kulmaan caqabado la xidhiidha dal-ku-galka iyo oggolaanshaha safarka. Sidaa darteed, duulimaad toos ah oo Tel Aviv iyo Hargaysa u dhexeeya ayay Somaliland u aragtaa dariiq ay si toos ah ugu xidhi kara saaxiibbadeeda caalamiga ah.
Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in duulimaadyadani ay suurtogal ka dhigi karaan in dadka u socdaalaya Somaliland ay ku hakadaan Tel Aviv, kadibna si toos ah uga soo degaan Hargaysa, taas oo yarayn karta ku-tiirsanaanta marinnada kale ee gobolka. Waxa kale oo ay fududayn kartaa socdaalka ganacsatada, maalgashadayaasha iyo martida ka imanaysa dalalka Somaliland xidhiidhka la leh, oo ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Taiwan.
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoogaystay tan iyo markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland dabayaaqadii 2025. Tan iyo markaas, labada dhinac waxay ka wada hadleen iskaashi dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka, amniga, tiknoolajiyada iyo maalgashiga. Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ku tilmaamay Israa’iil “saaxiib qiimo badan oo lagu kalsoonaan karo.”
Masuuliyiinta Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in labada dhinac ay muddo badan lahaayeen iskaashi qarsoodi ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya, isla markaana ay doonayaan in hadda iskaashigaas loo qaado heer cusub oo amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.
Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland, iyada oo ku tilmaantay aqoonsiga iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliya. Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka Islaamka iyo ururrada taageera qaddiyadda Falastiin ayaa cambaareeyey furitaanka Safaarada Somaliland ee Qudus iyo xoojinta xidhiidhka Hargaysa iyo Tel Aviv.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cirro ayaa wareysigiisa ku sheegay in cambaaraynta iyo cadaadiska ka imanaya qaar ka mid ah dunida Islaamka aanay waxba ka beddelayn go’aanka Somaliland ee ah inay sii xoojiso xidhiidhkeeda Israa’iil, isaga oo ku adkaystay in danaha Somaliland, furitaanka albaabada maalgashiga, iyo helitaanka xidhiidh caalami ah oo toos ahi ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa.




