Soomaalida Koonfur Afrika oo ka walaacsan mudaharaadyada ka dhanka ah soo-galootiga sharci darrada ah

Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa muujinaya walaac sii kordhaya, kaddib markii ay sare u kaceen ololayaasha iyo mudaaharaadyada lagu beegsanayo dadka aan haysan sharciyada deganaanshaha, iyadoo la gaarayo waqtigii ay kooxaha kasoo horjeeda soo-galootigu u qabteen inay dalka isaga baxaan.

Cabdullaahi Macalin Xoogsade, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Koonfur Afrika, ayaa sheegay in cabsi xooggan ay ka dhex jirto bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay jiraan dad aan weli haysan sharciyo rasmi ah, halka kuwo kalena ay sharci leeyihiin balse ay saameyn ku yeesheen xiisadda taagan.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Soomaalida ay dib ugu laabteen dalalkoodii, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin gudaha Koonfur Afrika, iyagoo ka walaacsan waxa dhici kara marka uu dhammaado waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay soo-galootiga aan sharciga haysan.

Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in ganacsiyo ay leeyihiin Soomaali ay booqdeen mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo baaritaan ku sameeyay habka loo diiwaangeliyey iyo sharciyadda ganacsiyadaasi. Wuxuu xusay in xaaladdu ay saameysay nolosha iyo ganacsiga Soomaalida.

Sida uu sheegay, cabashooyin ay gudbiyeen bulshooyinka soo-galootiga ah ayaa dowladda Koonfur Afrika ku riixay inay si cad uga hadasho arrinta. Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in aan la oggolaan doonin in sharciga gacanta lagu qaato, isla markaana ay billowday howlgallo lagu beegsanayo dadka dalka ku jooga si sharci darro ah.

Cabdullaahi wuxuu aaminsan yahay in dowladda ay dadaal dheeraad ah sameyneyso maaddaama ay soo dhowdahay doorashooyinka dowladaha hoose ee la filayo dabayaaqada sanadkan, taas oo keentay in cadaadis siyaasadeed uu kordho.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli ay kooxaha ka soo horjeeda soo-galootigu sii xoojiyeen ololahooda, halka Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, uu shacabka uga digay in aan dadka nugul lagu eedeyn dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker