Madaxweyne Cirro: Israa’iil Hadda Saldhig Ciidan Kuma Laha Somaliland, Mustaqbalkana Waxba Kama Sheegi Karo
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Israa’iil aanay xilligan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Somaliland, hase yeeshee aanu ka hadli karin waxa dhici kara mustaqbalka.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta i24News, Madaxweyne Cirro ayaa yidhi: “Hadda Israa’iil ciidan kuma laha Somaliland, laakiin mustaqbalka waxba kama sheegi karo.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in Somaliland iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xoojinta iskaashiga dhinacyada beeraha, biyaha, tiknoolajiyadda iyo amniga, kuwaas oo la filayo inay saldhig u noqdaan xidhiidhka sii kobcaya ee labada dhinac.
Inkasta oo Madaxweyne Cirro uu sheegay in Israa’iil aanay hadda wax joogitaan ciidan ah ku lahayn Somaliland, haddana Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in labada dhinac ay muddo wada lahaayeen iskaashi ciidan, isla markaana ay si qarsoodi ah u wada fuliyeen hawlgallo amni oo xidhiidh la leh iskaashigaas.
Xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil ayaa cambaaraynta ugu badan kala kulmaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah waddamada Islaamka, kuwaas oo muujiyay walaac ku saabsan iskaashiga labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in cadaadisyadaasi aanay waxba ka beddeli doonin go’aanka Somaliland ee ku aaddan xoojinta xidhiidhkeeda Israa’iil.




