Trump: Waxaynu dib u bilaabaynaa duqaymaha haddii Iiraan aysan hoggaansamin
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku sugan Faransiiska oo uu kaga qayb galayo shirka G7 ayaa sheegay heshiiska Iiraan ay la galeen uu yahay mid aan weli la ‘’dhammaystirin’’ ayna suurtagal tahay inuu duqaymaha dib u bilaabo haddii aanu ku qancin fulinteeda.
‘’Kani waa heshiis is-afgarad ah,’’ ayuu ka yiri kulan-doceedka shirka. ‘’Haddii aanan anigu jeclayn, dib ayaanu u tooganaynaa oo bambaanooyinka ugu garaacaynaa iyaga. Haddii aanan jeclaan, Haddii aysan si wanaagsan u dhaqmin, waxaynu dib ugu laabanaynaa duqaymaha’’.
Trump ayaa sheegay in heshiiska aysan ku jirin in si degdeg ah loo qaado cunaqabataynada saaran Iiraan, waxaana uu adkeeyay inuu bixin doono faahfaahin dheeri ah oo arrintan la xiriirta goor dambe.




