Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii hoggaaminayey oo maalintii afraad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Ministry of Energy and Infrastructure) ee Israa’iil, Mudane Eli Cohen, oo ay hoos timaaddo Hay’adda Maamulka iyo Horumarinta Khayraadka Biyaha ee dalka Israa’iil.


Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Somaliland uga faa’iidaysan lahayd khibradda iyo tiknoolajiyadda durugsan ee ay Israa’iil u leedahay maamulka iyo maaraynta biyaha, kaydinta biyaha roobka, waraabka casriga ah iyo xal-u-helidda caqabadaha Somaliland ka haysta biyo-yaraanta iyo abaaraha soo noqnoqda.

Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa si qoto dheer uga xog-warramay caqabadaha Somaliland ka haysta xagga horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, iskaashiga iyo xoojinta sugnaanta biyaha, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, iyo dhisidda bulshada JSL ee la qabsiga iyo u adkaysiga saamaynta Isbeddelka Cimilada.

Kulankani waxa uu qayb ka yahay dedaallada ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto iskaashi caalami ah oo la xidhiidha maamulka, maaraynta iyo horumarinta khayraadka biyaha iyo adeegyada la xidhiidha oo ku salaysan aqoon, tiknoolajiyad casri ah iyo maalgashi ay ka faa’iidaystaan shacabka Somaliland.










