𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐅𝐫𝐢𝐞𝐧𝐝𝐬 𝐨𝐟 𝐙𝐢𝐨𝐧 𝐀𝐰𝐚𝐫𝐝

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay Casho-Sharaf loogu sameeyey Xarunta Matxafka Friends of Zion ee magaalada Jerusalem, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award.

Billad Sharafta Qaran ee FOZ Award ee lagu maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa lagu sharfaa ama la guddoonsiiyaa shaqsiyaadka ay dadka reer Israa’iil u hayaan abaal gaar ah.

Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion Award waa tan ugu sarreysa Israa’iil ee la siiyo Hogggaamiye dal kale oo saaxiib la ah Israa’iil.

Waa maamuus heer Caalami ah oo hore loo guddoonsiiyey Madaxweyneyaal, Boqorro, Amiirro, Ra’iisal Wasaareyaal iyo Hoggaamiyeyaal caan ka ah dunida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush iyo Madaxweynaha haatan Donald J Trump, Muxammed Bin Salman, Yoweri Museveni, George Weah, Muxammed Bin Rahed Al Maktoum, Amiirka Monaco Prince Albert II, iyo kuwo kale.

Guddoonsiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Billad Sharafta Qaran ee Friends of Zion ayaa waxa ay ka tarjumaysaa miisaanka uu leeyahay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil.

Sida oo kale, waxa ay qiraal u tahay doorka Somaliland ee nabadda, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka, iyada oo xoojinaysa kalsoonida iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Dhacdadan taariikhiga ahi waxa ay astaan u tahay korodhka sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker