Somaliland oo ka jawaabtay cambaarayntii dowladda Soomaaliya ee maanta
Somaliland ayaa iska diiday cambaarayntii ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya maanta ee ku aadaneed booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Somaliland ku joogo Israa’iil.
“Warka ka soo baxay Muqdisho waa xaqiiqo kale oo lagu qalloocinayo taariikhda, xaqiiqada lagu diidayo, laguna marin habaabinayo beesha caalamka,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Somaliland.
Waxaa intaa la raaciyay in ay iska diideen in tallaabooyinka Somaliland ay kula macaamilayso wadamada caalamka ay yihiin kuwo aan ka hor imaanayn shuruucda caalamiga ah.




