Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha dalka Israa’iil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha dalka Israa’iil, Mudane Nir Barkat.

Kulankan oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad sare leh, ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ka horumarineed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil, iyada oo si gaar ah looga wada hadlay fursadaha cusub ee maalgashi, ganacsi iyo kobcinta dhinacyada wax-soo-saarka Somaliland.

Wasiirkani waxa uu si gaar ah masuul uga yahay Siyaasadaha Warshadaha, Ganacsiga, Maalgashiga, wax Dhoofinta, Horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa horumarinta maalgashiga shirkadaha Israa’iil ee Somaliland, kor u qaadista doorka istaraatiijiga ah ee Dekedda Berbera iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah (Free Zone), kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, tayaynta, casriyeynta iyo ballaadhinta dhoofka xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada hal-abuurka, tiknoolajiyadda iyo dhaqaalaha casriga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa ka xog-warramay fursadaha maalgashi, kuwa ganacsi iyo iskaashi ee ka jira Somaliland iyo khayraadka dabiiciga ee uu hodanka ku yahay dalka Somaliland.

Sida oo kale, labada dhinac waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo la xidhiidha sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi iyo maalgashi oo soo jiita fursado cusub, korna loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee faa’iidada u leh labada dal iyo shacabkooda.

Kulankani waxa uu qayb ka yahay dedaallada lagu dhisayo iskaashi istaraatiiji ah oo ku salaysan horumar, maalgashi, ganacsi iyo is-dhaafsi aqooneed, isaga oo furaya fursado cusub oo xoojinaya xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker