Safiirka Somaliland ee Israa’iil oo hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay aragti khatar ku ah xasilloonida gobolka
Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Hagi, ayaa si adag uga jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xidhiidhay arrinta Somaliland iyo suurtagalnimada in la adeegsado awood ama taageero dibadeed.
Safiirka ayaa ku tilmaamay hadalladaasi kuwo “khatar ah” oo horseedi kara khasaare iyo xiisad hor leh oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in fikradda ah in awood shisheeye lagu taageero isku day kasta oo lagu waxyeelleeyo Somaliland ay tahay aragti aan waafaqsanayn xasilloonida iyo nabadda gobolka.
“Somaliland waa dal leh hay’ado amni oo dhisan, awood difaac iyo saaxiibo caalami ah oo ka hor iman kara cid kasta oo isku dayda inay waxyeellayso amniga iyo jiritaanka Somaliland,” ayuu yidhi Safiir Maxamed Hagi.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay maanta ka feejigan tahay wax kasta oo halis gelin kara amnigeeda, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo “cadow kasta oo danta qarannimadeeda halis ku ah.”
Waxa uu xusay in cid kasta oo isku dayda inay huriso colaado ama ay ku xadgudubto amniga Somaliland ay la kulmi doonto “jawaab u dhiganta”, isaga oo adkeeyay in Somaliland ay weli ka go’an tahay nabadda, wada noolaanshaha iyo iskaashiga ku dhisan danaheeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyay Dawan TV, ayaa sheegay in muddo 35 sano ah aan lagu guulaysan in Somaliland lagu soo celiyo wada-hadal, inkasta oo, sida uu sheegay, ay suurtagal ahayd in la adeegsado awood, balse ay doorbideen in marka hore la tijaabiyo waddada wada-xaajoodka.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in maalmaha soo socda Madaxweynaha Somaliland uu safar ku tago Israa’iil, halka ay hadda Israa’iil ku sugan yihiin madax iyo masuuliyiin ka socota Somaliland, Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa la kulmi doona madaxda Israa’iil, isaga oo saxeexi doona heshiisyo cusub.




