Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya waxay Turkiga siisay saddex ka mid ah 12 xirmo oo sahamin shidaal iyo gaas ah
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Turkiga siisay saddex ka mid ah 12 xirmo oo badeed oo loogu talagalay sahminta shidaalka iyo gaaska, isagoo xusay in Ankara ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo si joogto ah u garab istaagtay Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Dawan TV, madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xiriirka dibadda iyo qorshaha sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sagaalka xirmo ee kale la siiyay shirkado reer Galbeed ah, isagoo xusay in mid ka mid ah shirkadahaasi ay dib u celisay ruqsadaha ay haysatay kaddib markii ay sheegtay inaysan haysan awood dhaqaale oo ku filan si ay u maalgeliso mashruuca.
“Yaa kale oo na doonaya marka laga reebo Turkiga? Yaa kale oo na taageeraya?” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga mid ku dhisan taageero muuqata iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Turkigu heli karo xirmooyin dheeraad ah haddii uu danaynayo, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga dhinaca tamarta.
Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal ugu jirtay inay dib u soo nooleyso sahminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha dalka, kaddib tobannaan sano oo ay carqaladeeyeen colaado iyo burbur dowladeed.
Dhanka siyaasadda dibadda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiriirkeeda caalamiga ah ku saleeyso dan wadaag iyo iskaashi, halka uu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu weli yahay mid wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay weli waddo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dib-u-habaynta ciidamada qalabka sida, isagoo ku tilmaamay amniga tiirka ugu muhiimsan ee dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo horumarka dhaqaale.




