Wasiirkii hore ee difaaca Israel:Heshiiska Washington iyo Tehran waa masiibo marka Israel loo eego
Avigdor Lieberman, oo ah hogaamiyaha xisbiga garabka midig ee “Israel Our Home” wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, ayaa ku tilmaamay heshiiska suurtagalka ah ee Mareykanka iyo Iran “guul dhameystiran oo u soo hoyatay Ayatollah”.
Waxa uu fariin ku qoray Shabakadda X ku sheegay in heshiiskani uu yahay “musiibo” marka loo eego dhinaca Israa’iil.
Lieberman waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in “mas’uuliyadda boqolkiiba boqol” ee heshiiskan oo kale ay saaran tahay Benjamin Netanyahu.
Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa horay u sheegay in Donald Trump uu doonayo in uu heshiis la gaaro Iran marka loo eego danaha Mareykanka.
Katz ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Israa’iil ay xaqiijiso in ay si madax banaan uga hortagi karto Iran in ay hesho hub nukliyeer ah.




