Madaxweyne Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland wuxuu ahaa maalin madow oo taariikhda Soomaaliya ah
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar 2025 ay ahayd “mid ka mid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya”, isagoo xusay in dowladda federaalku ay dooratay wadahadal iyo qancin halkii ay xoog adeegsan lahayd.
Wareysi uu siiyey Dawan TV, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahday laba ikhtiyaar oo kala ahaa in awood ciidan la adeegsado ama wadahadal lagu xalliyo khilaafaadka la xiriira Somaliland.
“Waxaan miisaannay labadaas waddo, ugu dambeyntiina waxaan doorannay wadahadalka iyo qancinta. Inkastoo ay qaadatay in ka badan 30 sano, haddana waxay ahayd waddada ugu habboon duruufaha jiray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Israa’iil aysan waligood yeelan xiriir diblomaasiyadeed ama iskaashi rasmi ah, inkastoo Soomaaliya ay aqoonsan tahay jiritaanka Israa’iil maadaama ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.
“Ma diidi karno jiritaanka Israa’iil dal ahaan, balse ma lihin xiriir ama iskaashi. Soomaaliya waxay Israa’iil u aragtaa awood duullaan iyo gardarro ku haysa shacabka Falastiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin, taas oo uu sheegay inay la qabaan inta badan dowladaha caalamka.
Isagoo ka hadlayay aqoonsiga Somaliland, Xasan Sheekh ayaa sheegay in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo dagaalladii Israa’iil ay sabab u noqdeen in Tel Aviv ay dan istiraatiiji ah ka aragto qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Israa’iil dhowr jeer Soomaaliya ka dalbatay iskaashi, balse dowladda Soomaaliya ay mar walba diidaneyd sababo la xiriira mabaadi’deeda diimeed, qiyamka bani’aadannimo iyo mowqifkeeda siyaasadeed.
“Waxay heleen dad quus ka jooga aqoonsi raadis muddo dheer socday, dabadeedna way ka faa’iidaysteen. Tani waa qalad istiraatiiji ah oo Somaliland gashay, waxaana laga yaabaa inay Soomaaliya geliso xaalado aan loo baahnayn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan aaminsanahay in tani aysan ahayn aqoonsi dhab ah ee ay tahay dabin ay ku dhacday Somaliland. Soddon sano ayay raadineysay aqoonsi, mana filayo inay sidaas ku heli doonto,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.




