Israa’iil oo weerar ku qaaday Lubnaan xilli Iran sheegtay In Heshiiska Maraykanka uu meel dhow marayo
Warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in Israa’iil ay weerar ku qaaday koonfurta dalkaasi.
Weeraradan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay soo saareen digniin ku aadan in laga baxo 20 goobood oo ku yaala koonfurta Lubnaan oo ay ku jirto magaalada Nabatieh.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Lubnaan dhawr goobood oo laga soo saaray digniinta guuritaanka ah ayaa la beegsaday, waxaana ka mid ah tuulooyinka Rayhan iyo Sajd, kuwaas oo ku yaala meel u dhaw magaalada Nabatieh.
Shalay ayaa ururka Xisbullah waxa uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay la dagaalameen askarta Israel oo ku sii siqaya magaalo xuduudeedka koonfurta Lubnaan.
Hadalka Hezbollah ayaa lagu sheegay in askarta Israa’iil ay ku sii siqayeen magaalada xudduudda ku taal ee Majdal Zun, markaasoo “lagu qasbay inay dib u gurtaan weerarro gantaallo ah oo soo noqnoqday dartood.
Khilaafka u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa weli sii socda, halka Iran iyo Maraykankuna ay ku dhawaaqeen inay ku dhow yihiin inay saxeexaan heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Faahfaahinta heshiiskan si rasmi ah looma shaacin, balse Iran ayaa mar walba ku adkaysanaysa in heshiis kasta oo nabadeed ay waajib tahay in lagu daro Lubnaan.




