Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ku qaaday saldhig ku yaalla Mandheera
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo ay dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya oo ku yaalla degmada Lafey ee gobolka Mandheera.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, koox hubeysan oo lagu qiyaasay ku dhowaad 10 dagaalyahan ayaa weerarka ku qaaday saldhigga fiidnimadii Arbacada, iyagoo rasaas ka furay meel qiyaastii 600 mitir u jirta xarunta.
Ciidamada ku sugnaa saldhigga ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo socday dhowr daqiiqo, ka hor inta aysan weeraryahanadu dib uga gurin goobta.
Wararka ayaa sheegaya in aanay jirin askar ku dhaawacantay ama ku dhimatay weerarka, sidoo kalena aanu wax khasaare ah soo gaarin xarunta la bartilmaameedsaday.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen ammaanka deegaannada xuduudda ku dhow, isla markaana ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii weerarka fulisay.
Gobolka Mandheera, oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay weerarro iyo falal amni darro oo lala xiriiriyo Al-Shabaab.




