Nin Soomaali ah oo si khalad ah loogu aqoonsaday weerar mindi oo ka dhacay Ireland
Booliiska Waqooyiga Ireland ayaa dib uga noqday war ay markii hore ku sheegeen in nin Soomaali ah uu ku lug lahaa weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Belfast, iyagoo caddeeyay in tuhmanaha uu yahay muwaadin u dhashay Suudaan.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in qaladka ku saabsan aqoonsiga tuhmanaha uu ka dhashay xogihii hordhaca ahaa ee la helay intii uu socday baaritaanka degdegga ah ee dhacdada.
Weerarka oo dhacay habeenkii Isniinta ayaa sababay dhaawacyo culus oo soo gaaray nin ku jira da’da afartameeyada, kaas oo loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo dhaawacyadiisa.
Bilowgii baaritaanka, booliisku waxay sheegeen in tuhmanaha loo malaynayay inuu Soomaali yahay, arrintaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada. Hase yeeshee, booliisku waxay markii dambe xaqiijiyeen in ninka la xiray uu yahay muwaadin Suudaani ah.
Tuhmanaha oo 30 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin isku day dil, haysashada hub af leh iyo hanjabaad dil.
Booliiska Waqooyiga Ireland ayaa sheegay in baaritaannada dhacdadu ay weli socdaan, isla markaana aysan jirin wax xog ah oo muujinaysa in weerarku la xiriiray fal argagixiso.




