Cumar Cartan oo Ka Hadlay Ka-Maqnaanshihiisa Koobka Adduunka Kadib Markii Loo Diiday Gelitaanka Mareykanka
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdiqaadir Cartan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii looga hor istaagay inuu galo Mareykanka, taasoo sababtay inuu seego ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026, halkaas oo uu taariikh ka dhigi lahaa inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka garsoora tartankaas.
Cartan, oo dhawaan loo doortay garsoorayaasha Koobka Adduunka, ayaa lagu hakiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami kadib markii uu kasoo degay magaalada Istanbul. Mas’uuliyiinta socdaalka Mareykanka ayaa markii dambe u diiday gelitaanka dalka, inkastoo uu watay fiise sax ah, sida ay sheegeen warbaahinta caalamiga ah.
Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa sheegtay in go’aanka lagu gaaray kadib baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyay garsooraha, iyadoo sababta lagu sheegay “walaacyo la xiriira habraacyada hubinta iyo xaqiijinta xogta”, balse aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
FIFA ayaa xaqiijisay in Cartan uusan awoodi doonin inuu ka qayb galo tababarrada iyo garsoorista ciyaaraha Koobka Adduunka, maadaama xaaladdiisa socdaal aan wax isbeddel ah lagu samayn waqtigan.
Qoraal uu bartiisa Bulshada kula wadaagay Taageerayaashiisa, Cartan ayaa sheegay inuu bogga u rogay dhacdadaas, isla markaana uu diiradda saarayo caqabadaha iyo fursadaha xiga ee xirfaddiisa garsoornimo.
“Inkasta oo ay xaaladdani dhacday, waxaan ku suganahay niyad wanaagsan, waxaana si buuxda diiradda u saaraya caqabadaha xiga ee xirfaddayda garsoornimo,” ayuu yiri Cartan.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin caalami ah, iyadoo taageerayaal iyo masuuliyiin Soomaaliyeed ay ku tilmaameen arrin niyad-jab ku ah garsoore loo aqoonsaday Garsooraha Sannadka Afrika ee 2025, kana mid ahaa shaqsiyaadka Soomaaliya ku matali lahaa masraxa ugu weyn kubadda cagta adduunka.




