Sida uu ku bilaabmeen weerarada ay is-waydarsanayan israa’iil iyo Iran
Haddii aad hadda nagu soo biirayso, Israa’iil ayaa qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Iran kadib weerarkii Tehran ay ku qaaday waqooyiga Israa’iil. Halkan waxaa ku yaal wararkii ugu dambeeyay:
- Iiraan ayaa xalay si lama filaan ah weerarp gantaalo ah ugu qaaday waqooyiga Israa’iil
- Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay duqeeyeen bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iran, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaxadda khasaaraha ama goobaha saxda ah ma aysan bixin
- Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay magaalooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan Tehran, Tabriz, Isfahan iyo meel u dhow Karaj. Mas’uuliyiinta Isfahan ayaa sheegay in aan wax dhimasho ah la soo sheegin, balse gobollada kale weli faahfaahin lama helin
- Waaxda Dab-damiska ee Tehran ayaa sheegtay in ugu yaraan laba qarax laga maqlay galbeedka caasimadda Iran, inkastoo aan la beegsanin xaafadaha gudaha magaalada
- Kahor weerarrada Israa’iil, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa warbaahin kala duwan u sheegay inuu ku boorinayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuusan ka jawaabin weerarka Iran
- IDF ayaa sidoo kale sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen oo ku wajahnaa dhulka Israa’iil, ayna nidaamyada difaaca hawadu “hawlgal ku jiraan si ay u qabtaan khatarta”
- Iran ayaa hakisay dhammaan duulimaadyada ku soo degaya Imam Khomeini International Airport kadib weerarradii ugu dambeeyay ee ay ku qaaday Israa’iil




