Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Iran oo la xidhiidhta xidhnaashaha marinka Hormuz

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in dalalka xubnaha ka ah ururka ay cunaqabatayn ku soo rogeen Iran taas oo la xiriirta waxa ay ku tilmaameen xirnaashaha marinka Hormuz.

Qoraal ay soo dhigtay barta X ayey Kaja Kallas ku sheegtay in, “Bariga Dhexe uu u dhexeeyo wadahadallo nabadeed iyo xabadjoojin jilicsan”.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Tehran ayaa khatar ku ah isu socodka gaadiidka badda ee marinka Hormuz. “Wasiirda way u cadahay in tallaabooyinka Iran aan la aqbali karin”.

Xubnaha Midowga Yurub oo taas ka jawaabayay ayaa waxay Iran saareen cunaqabateyn la xiriirta xayiraada maraakibta ee marinkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker