Israa’iil oo duqeysay xarun kiimiko ah oo Iran leedahay
Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa qaaday duqaymo ku wajahan “bartilmaameedyo dhowr ah” oo ku yaalla xarun batrool kiimikada ee Iran leedahay, taas oo ku taalla magaalada Mahshahr ee koonfur-galbeed ee dalka.
Batroolka kiimikaad waa walxo kasta oo kiimiko ah oo laga helo batroolka (Shadaalkad cayriin) ama gaaska dabiiciga ah.
IDF iyo warbaahinta dowladda Iran labaduba way xaqiijiyeen weerarka, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay in xaruntaas oo ku dhow xeebta waqooyi ee Gacanka Faaris ay qayb ahaan waxyeello soo gaartay.
Warbaahinta Iran waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo “suurtagalnimada dhimasho ama dhaawac” la shaacin doono mar dambe.




