Iran oo hakisay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Tehran
Iran ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ku soo degi lahaa garoonka caalamiga ah ee Imam Khomeini illaa amar dambe, kadib markii ay qaaday weerarro gantaallo ah oo ku wajahan Israa’iil, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.
Maamulka duulista rayidka ee Iran ayaa ku dhawaaqay in dhammaan duulimaadyada kusoo wajahan garoonka la joojiyay sababo amni awgood.
Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini waa mid ka mid ah labada garoon ee waaweyn ee magaalada Tehran. Waxaa dib loo furay bishii APril kadib markii uu xirnaa toddobaadyo dhowr ah sababo la xiriira colaadaha iyo xiisadaha ka taagnaa Bariga Dhexe.
Joojinta duulimaadyadan ayaa qayb ka ah tallaabooyin amni oo ballaaran oo Iran qaadday iyadoo ay sii kordhayaan isku dhacyada u dhexeeya Iran iyo Israa’iil.
Sidoo kale, qaybo ka mid ah hawada Iran ayaa la xiray, waxaana la soo sheegay in shirkado diyaaradeed qaarkood ay beddeleen ama hakiyeen safarradooda gobolka.
Xaaladda ayaa wali cakiran xilli labada dhinac ay weeraro is waydaarsadeen.




