Uk oo war ka soo saartay isku dhacyada Muqdisho
Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay waxay walaac kaga muujisay isku dhacyada ka dhacay magaalada Muqdisho.
“UK waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya rabshadihii ka dhacay Muqdisho xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaaradda UK.
Dowladda UK ayaa ugu baaqday dhinacyada in ay is-xakameeyaan ayna qeyb ka noqdaan wadaxaajoodyada.
“Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, kana qayb qaataan wada-hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadaha loogu xalliyo si nabad ah”. ayaa intaa lagu daray.




