Raysal wasaaraha UK oo eedeyn u jeediyay Elon Musk
Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer ayaa ku eedeeyay maalqabeenka tiknoolajiyadda Elon Musk inuu “isku dayayo inuu huriyo kala qaybsanaan” ku saabsan arrinta la xiriirta dilkii Henry Nowak.
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay Southampton kadib markii la sii daayay muuqaalka kamaradaha ay booliisku xirtaan, kaas oo muujinaya booliis gacanta ka xiraya Nowak, oo 18 jir ahaa, xilli uu dhaawac halis ah u dhimanayay. Dilkiisa waxaa geystay Vickrum Digwa, kaas oo sheegay inuu isagu ahaa dhibbane loo geystay weerar cunsuriyadeed.
Muuqaalka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Nowak ayaa dhaliyay falcelin siyaasadeed oo ballaaran. Musk, oo leh madasha X, ayaa ku dhaliilay bartaas sida ay booliisku ula dhaqmeen wiilka dhalinyarada ah bishii Diseembar ee la soo dhaafay.
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative, Kemi Badenoch, ayaa sidoo kale ku baaqday in la is dejiyo, kadib markii ay la kulantay qoyska Nowak subaxnimadii Khamiista. Sidoo kale, Sir Keir ayaa la filayaa inuu galabta kula kulmo qoyskaas xarunta Downing Street.




