Waxa ka soo baxay dugsi ay arday badani ku dhimatay oo ku yaalla Kenya
Sagaal eedeysane oo lagu tuhmayo dabkii ka kacay Dugsiga Gabdhaha ee Utumi oo ay ku dhinteen 16 arday, ayaa ku sii jiri doona xabsiga iyagoo sugaya go’aanka laga gaadhi doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 3-da Juun, sida ay werisay warbaahinta Citizen.
Markii ay hor yimaadeen Garsooraha Sare ee Naivasha, Abdulqadir Ramathan, xeer-ilaalintu waxay codsatay in 30 maalmood lagu kordhiyo muddada xabsiga ee eedeysanayaasha si loo soo gaba-gabeeyo baadhitaanka.
Inkastoo codsigan ay taageereen qareennadii u doodayay dhibbanayaasha, haddana waxaa ka horyimid qareennada u doodayay eedeysanayaasha.
Qareenada difaaca ayaa ku dooday in sababaha loo sii hayaa eedeysanayaasha aanay ahayn kuwo ku filan ama lagu qanci karo.
Go’aanka maxkamadda ee ku saabsan codsigan ayaa la filayaa in la soo saaro maalinta Arbacada ah ee 3-da Juun.




