Ruto oo raalli-gelin ka bixiyay takooridii taariikhiga ahayd ee lagu sameeyay Soomaalida Waqooyi Bari Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay takooridii iyo faquuqii muddo tobannaan sano ah ay la kulmayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya, isagoo qiray in muwaadiniin badan lagu dhibay helitaanka aqoonsiyada iyo dukumentiyada muwaadinnimada.

Ruto oo ka hadlayay magaalada Wajeer ayaa sheegay inuu ku hadlaayo magaca dowladda iyo shacabka Kenya, isagoo ka cudur daartay nidaamkii lagu takoori jiray dadka gobolkaas.

“Anigoo ah Madaxweynaha iyo hoggaamiyaha qarankan, waxaan rabaa inaan magaca ummadda Kenya uga raalli-geliyo shacabka Waqooyi Bari takooriddii iyo faquuqii ay soo mareen. Marnaba looma baahnayn inay sidan noqoto,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay Bakaja Ibraahim Cismaan, oo ku dhashay gobolka Wajeer horaantii lixdamaadkii, balse sannado badan ay ku qaadatay inuu helo kaarka aqoonsiga qaranka.

Sida uu sheegay, Cismaan mar kasta oo uu codsado aqoonsi waxaa loola dhaqmi jiray sidii qof shisheeye ah, iyadoo laga dalban jiray dukumentiyo dheeraad ah isla markaana la marin jiray baaritaanno adag.

“Cismaan kaligiis ma ahayn. In ka badan lixdan sano, boqolaal kun oo Kenyan ah oo ku nool Waqooyi Bari waxay ku noolaayeen xaalad lagu qasbay inay mar kasta caddeeyaan muwaadinnimadooda,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ruto wuxuu sheegay in dastuurka Kenya uu dammaanad qaadayo in dhammaan muwaadiniintu helaan xuquuq siman, karaamo siman iyo ilaalin sharci oo isku mid ah, iyadoon loo eegayn qowmiyad, diin ama deegaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in bishii Febraayo 2025 uu magaalada Wajeer ku saxiixay wareegto madaxweyne oo lagu joojinayo nidaamkii gaarka ahaa ee lagu xaqiijin jiray aqoonsiyada iyo shahaadooyinka dhalashada ee laga dalban jiray dadka Waqooyi Bari iyo gobollo kale.

Hadalka Ruto ayaa loo arkaa mid ka mid ah qiraalladii ugu waaweynaa ee ay dowladda Kenya ka bixiso cabashooyinkii taariikhiga ahaa ee bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee ku nool waqooyiga dalka Kenya, kuwaas oo muddo dheer ka cabanayay takoorid iyo adeegyo dowladeed oo aan loo sinnayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker