Maraykanka oo xaqiijiyay in Mojtaba Khamenei uu nool yahay
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei oo ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu nool yahay isla markaana uu aad u firfircoon yahay muddooyinkan.
“Waxaan u malaynayaa in ay jiraan calaamado muujinaya in uu door sii kordhaya ciyaarayo,” ayuu Marco Rubio u sheegay Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka.
Mojtaba Khamenei ayaan lagu arkin meel fagaare ah tan iyo 20-kii March, xilligaas oo uu ku dhaawacmay mowjaddii ugu horreysay ee weerarradii ay wadajirka u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.




