Danjirihii hore ee Mareykanka: Xasan Sheekh wuxuu si aan ula kac ahayn u xoojinayaa qaddiyadda Somaliland

Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si aan ula kac ahayn u xoojinayo doodda taageeraysa gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo ku dooday in tallaabooyinka uu u arko kuwo wiiqaya nidaamka federaalka Soomaaliya ay sii kordhinayaan taageerada loo hayo madax-bannaani siyaasadeed oo ballaaran.

Qoraal uu ku daabacay boggiisa X, ayuu diblomaasigan hore wuxuu ku tilmaamay Geeska Afrika gobol ay ka jiraan colaado iyo xiisado siyaasadeed oo joogto ah, taasoo uu sheegay inay lama huraan ka dhigayso in si qoto dheer looga fiirsado arrimaha la xiriira mustaqbalka Somaliland.

André ayaa xusay in dadaallada Somaliland ee ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah ay weli wajahaan caqabado la xiriira xuquuqda madaniga ah, isagoo tilmaamay walaacyo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo sida loola dhaqmo beelaha laga tirada badan yahay.

André ayaa horey uga digay in dowladda Mareykanka ay si taxaddar leh uga fiirsato aqoonsi kasta oo ay siiso Somaliland, isagoo sheegay in tallaabo hal dhinac ah ay khatar gelin karto xasilloonida Geeska Afrika isla markaana wiiqi karto midnimada Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay Washington inay kala tashato dalalka gobolka sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale Midowga Afrika, ka hor inta aan la qaadin go’aan kasta oo la xiriira aqoonsiga Somaliland.

Larry André waa diblomaasi Mareykan ah oo in ka badan 30 sano kasoo shaqeynayay adeegga arrimaha dibadda ee Mareykanka. Wuxuu ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2024, waxaana uu sidoo kale xilal diblomaasiyadeed kasoo qabtay dalal kale oo Afrika ku yaalla.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker