Turkiga: Israa’iil waxay qayb ka noqon kartaa isbahaysiga gobolka haddii ay aqoonsato dowlada Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in Israa’iil ay mustaqbalka ku biiri karto madal iskaashi oo ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Dhexe haddii ay aqoonsato dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, kuna dhisan xuduudihii sannadkii 1967.

Wareysi uu siiyay wargeyska Nikkei Asia, Fidan wuxuu sheegay in xal u helidda khilaafka Falastiin iyo Israa’iil ay horseedi karto jawi amni iyo wada-shaqeyn cusub oo ka hanaqaada gobolka. Wuxuu xusay in haddii arrintaas la xalliyo, dalalka gobolka ay si weyn uga qayb qaadan karaan dammaanad-qaadka amniga iyo xasilloonida Israa’iil.

Wasiirka ayaa tilmaamay in madashan goboleed ay ka koobnaan karto Turkiga, Pakistan, Sacuudiga, Masar iyo dalalka Khaliijka, isagoo intaas ku daray in xitaa Iran ay qayb ka noqon karto haddii xaaladuhu dib ugu soo laabtaan caadi. Sida uu sheegay, dhammaan dalalka gobolka waa inay isu ixtiraamaan madaxbannaanida, amniga iyo dhulka midba midka kale.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu isu diyaarinayo martigelinta shir muhiim ah oo ay yeelan doonaan dalalka xubnaha ka ah NATO, kaas oo la filayo inuu ka qabsoomo Ankara bisha July.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhowaan ku baaqay in dalal badan oo gobolka ka tirsan ay ku biiraan heshiisyada loo yaqaan Abraham Accords, kuwaas oo lagu caadiyeeynayo xidhiidhka Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Inkasta oo Turkiga maanta si adag uga soo horjeedo siyaasadaha Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta, isla markaana uu marar badan xurguf siyaasadeed kala dhex gashay Ankara iyo Tel Aviv, haddana taariikh ahaan Turkigu wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee si rasmi ah u aqoonsada Israa’iil kadib markii la aasaasay sannadkii 1948, isagoo aqoonsigiisa bixiyay sannadkii 1949.

Taas ayaa ka dhigtay Turkiga mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha dowladda ee Israa’iil, inkasta oo xidhiidhka labada dhinac uu marar badan wajahay marxalado kala duwan oo iskaashi iyo khilaaf isugu jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker