Puntland oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug
Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo ku eedeysay dowladda federaalka inay faragelin ku hayso maamuladaas.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in ay si weyn uga walaac sanyihiin xaaladda magaalada Baydhabo oo ay saakay ka dhaceen dagaal u dhexeeya ciidamo uu ku tilmaamay kuwo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo kale oo xiriir la leh dowladda federaalka. Waxa uu sheegay in xaaladdaasi ay dib u dhigayso horumarkii iyo dowladnimadii laga soo shaqeeyay muddo dheer.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan nabadda, dhiigga shacabka iyo hay’adaha dowladnimada, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ay horseedi karaan burbur hor leh.
Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu ka hadlay xaaladda Galmudug, isagoo sheegay in Puntland ay danaynayso xasilloonida iyo horumarka maamulkaas maaddaama ay deris yihiin. Waxa uu walaac ka muujiyay tallaabooyin uu sheegay inay saameyn ku yeelan karaan nidaamka dowladnimo ee Galmudug, isla markaana uu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo doorashooyin la isku raacsan yahay.
Lugatoor ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka gelinayo qalalaase siyaasadeed, isaga oo sheegay in haddii aan xal loo helin khilaafaadka jira ay halis ku jirto xasilloonida guud ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan badbaadinta dowladnimada dalka, isla markaana ay taageeraan hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo amni.




