Rutte- “Dhaqanka taxaddar la’aanta ah ee Ruushka waa khatar halis nagu wada ah”

Xoghayaha Guud ee isbahaysiga NATO Mark Rutte ayaa cambaareeyay wax uu ku sheegay “dhaqanka taxaddar la’aanta ah ee Ruushka”, isagoo ku tilmaamay “khatar innaga wada dhan ah”.

Rutte ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Romania Nicușor Dan u xaqiijiyay in NATO “ay diyaar u tahay inay difaacdo halkii taako ee kamid ah dhulka Romania.”

Wuxuu sidoo kale ku qoray bartiisa X in Ruushku uu sii wado “beegsiga shacabka iyo kaabeyaasha rayidka ee Ukraine,” isla markaana “dhacdadii xalay ay mar kale muujisay in saameynta dagaalka gardarrada ah ee sharci-darrada ah aysan ku ekaan xadka”.

Rutte ayaa sheegay in NATO ay sii xoojin doonto ilaalinteeda isla markaana ay sii wadi doonto taageerada Ukraine ee ka dhanka ah gardarrada Ruushka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker