Qalibaf: Tanaasul kuma helin wadahadal ee waxaynu ku helnay gantaalo
Guddoomiyaha Baarlamanka Iiraan iyo madaxa wada-xaajoodka jamhuuriyada Iiran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa farriin uu ku daabacay barta X ku yiri: ‘’Wax tanaasul ah kuma aynaan helin wadahadal, laakiin waxaynu ku helnay wadada gantaalada, wadahadalka waynu ku sharaxnaa oo kali ah’’
Wuxuu ka hadlay arrinta kalsoonida ee u dhexeysa labada dhinac ee wada-xaajoodka socda ee Mareykanka, isaga oo yiri: “Ma aaminsanin dammaanado iyo hadallo; hab-dhaqanka keli ah ayaa lagu qiimeeynayaa. Wax tallaabo ah lama qaadayo ka hor inta dhinaca kale uusan tallaabo qaadin.”
Qalibaf ayaa sii raaciyay fariintiisa isaga oo leh: “Guuleystaha heshiis kasta waa kan si fiican ugu diyaarsan dagaal maalinta xigta.”
Maxamed Baqer Qalibaf ayaa Isniintii tagay Qatar.
Ujeeddada safarkaasi waxay ahayd wada-xaajood ku saabsan qaar ka mid ah hantida Iran ee la xayiray sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.




