Madaxa Midowga Yurub “Dagaalka gardarrada ah ee Ruushka wuxuu ka gudbay xariiq kale oo halis ah”.
Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegtay in “dagaalka gardarrada ah ee Ruushka inuu ka gudbay xad kale oo halis ah,” iyadoo carrabka ku dhifatay in Midowga Yurub si buuxda uu u garab taagan yahay Romania iyo shacabkaheeda.”
Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka dhacday goob dad badan joogeyn oo ku taalla Romania, taas oo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.
waxa ayna barteeda X ku qortay in loo baahan yahay in Ruushka cadaadis dheeraad ah la saaro, lana kordhiyo cunaqabataynta hadda saaran “Waxaan diyaarinaynaa xirmadii 21-aad ee cunaqabateynta.”




