Iiraan oo cambaaraysay weerarada Israa’iil

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghai ayaa cambaareeyay weerarada Israa’iil ay ku qaaday dhowr aag oo ku yaala Lubnaan, oo ay ku jirto Beirut, caasimada dalkaasi.

Baghaei ayaa sheegay in ‘’aamuska iyo danayn la’aanta dowladaha caalamka’’ ay ku sababi doonto Israa’iil inay ‘’sii kordhiso’’

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku qeexay Maraykanka ‘’mid caawinaya oo bahwadaag kala dambiyada ay Israa’iil ka gaysanayso, Lubnaan, dhulka Falastiiniyiinta iyo guud ahaan gobolka.

Dad aad u badan ayaa lagu dilay gudaha Lubnaan iyada oo milatariga Israa’iil weerarada ay qaadayaan ay kordhiyeen maalmihii u dambeeyay.

Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedka weeraradan uu yahay Xizbullaahiga Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weydiistay dadka deegaanka in sideedii meelood meel oo Lubnaan ah ay isaga tagaan guryahooda iyaga oo u jihaysanaya Waqooyiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker