Fiisaha $1 milyan ee kuu saamaxaya deganaansho iyo in aad hesho dhalashada Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabay qorshaha kaarka dahabiga ah ee bixinta fiisooyinka deganaanshaha Maraykanka sida degdega ah loo helayo, kuwaas oo loogu talagalay ajaanibka dadka hodonka ah ee awoodda inay bixiyaan ugu yaraan $1 milyan oo u dhiganta (£750,000).
Kaarka ayaa siin doona iibsadayaasha ”waddo toos ah oo ay ku helayaan dhalashada Maraykanka, gaar ahaan dhammaan dadka u qalma ee la baaray. ”Waa wax lagu farxo! Shirkadaha weyn ee Maraykanku ugu dambayn waxa ay sii haysan doonaan kartidooda aan la beddeli karin,” ayuu ka yiri Trumo baraha bulshada Arbacadii.
Kaarka dahabka Trump oo markii u horaysay la shaaciyay horraantii sanadkan ayaa ah dalkugal Maraykan ah oo la siinayo kuwa muujin kara inay iibsan karaan ayna ”faa’iido weyn” u tahay dalka, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee qorshahan




