Benjamin Netanyahu oo ciidamada Israa’iil amray in ay la wareegaan gacanta ku haynta Gaza 70%
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu faray Ciidamada Difaaca Israa’iil inay kordhiyaan xakamaynta Gaza ilaa 70%.
Isagoo ka hadlayay shir Khamiistii dhacay, wuxuu yiri: “Hadda waxaan u cadaadinaynaa Xamaas, inaan maamulno oo ay gacanteenna ku jirto 60% dhulka Gaza, waad ogtahay sida ay u weyntahay, markii hore waxaan gacanteenna ku jiray 50%, waxaa soo gaarnay oo isku ballaarinay illaa 60%, hadda amarkaygu waa inaan kordhino” ayuu yiri Netanyahu.
Hadallka Benjamin ayaa imaanaya iyada oo Israa’iil ay weli Gaza ka waddo duqeymaha xilli uu jiro heshiiska xabbad joojinta ee hore loo gaaray.
Ugu yaraan 738 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymaha Israa’iil tan markii la gaaray heshiiska, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadk Xamaas.




