Maraykanka oo Kenya ka furaya xarun lagu karantiilo dadka Ebola uu ku dhaco
Sida ay warbaahinta Mareykanka qoreyso maamulka Trump ayaa qorsheenaya in uu dhiso xarun lagu daweeyo, laguna karantiilo bukaannada Ebola soo ridan doono dalka Kenya.
In kasta oo wasaaradda caafimaadka ee Kenya ay beenisay inay ogolaatay in la la furo xarun lagu karantiilo dadka Mareykanka ah ee laga baqayo inuu soo rto cudurka Ebola, haddana Aqalka Cad ayaa Arbacadii xaqiijiyay in Mareykanku uu ka dhisayo xarun caafimaad Kenya taasoo qaabili doonta dadka Mareykanka ah ee uu kusoo dhaco fayraska Ebola meelaha uu saameeyay cudurkan.
Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan maamulka, Mareykanka wuxuu ka dhisi doonaa waxa uu ugu yeeray “xarun casri ah” Kenya iyada oo loo marayo dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Waaxda Arrimaha Dibadda, Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, iyo Waaxda Difaaca.
Warkan waxaa markii ugu horreysay soo tebiyay The Wall Street Journal.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa shirkii Golaha Wasiirrada Arbacadii ka sheegay in dowladdu “aysan u oggolaan doonin qof qaba cudurka Ebola inuu yimaado Mareykanka.”
Sarkaalku wuxuu sheegay in ujeeddada iyo naqshadda xarunta ay tahay “in la siiyo adeegyo wanaagsan dadka Mareykanka ah ee u baahan in si degdeg ah looga saaro” Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) si loogu karantiilo, isagoo sheegay in tallaabadani ay yareyn doonto “mudada ay qaadan lahayd in qofka dib loogu soo celiyo Maraykanka.
Wuxuu intaas ku daray in awoodda caafimaad ee xarunta Kenya laga filayo inay wax ka qabato “dhammaan noocyada Ebola, oo ay ku jiraan daryeelka degdegga ah,” laakiin wuxuu sharraxay in bukaannada si gaar ah loo qiimeyn doono si loo ogaado inay u baahan yihiin in loo wareejiyo xarumo kale oo leh daryeel horumarsan.
Rubio wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday sida maamulkiisu uga go’an tahay xakamaynta Ebola, isagoo sheegay in “mudnaanta koowaad ee siyaasaddeenna arrimaha dibadda ay tahay in la ilaaliyo muwaadiniinta Mareykanka.”
“Ma ogolaanayno mana ogolaan doonno in qof kasta oo qaba Ebola uu soo galo Mareykanka,” ayuu yiri Rubio, isagoo intaa ku daray in “hay’ado kala duwan oo dowladeed” ay mas’uul ka yihiin “la socodka dadka si loo hubiyo in qofna uusan soo gelin dalka isagoo qaba Ebola oo dhibaato keena,” isagoo sheegay in tallaabooyinkani ay si wanaagsan u socdaan.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u joojisay in ay dib ugu soo laabtaan Maraykanka dadka tagay DRC, Uganda ama Koonfurta Suudaan 21-kii maalmood ee la soo dhaafay. Amarka ayaa la ballaariyay toddobaadkii hore si loogu daro dadka haysta kaarka cagaaran.




