Hay’adda GCHQ: Ku dhowaad 500,000 oo askari Ruush ah oo lagu dilay dagaalka Ukraine
Ku dhowaad 500,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la dilay tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaankiisii ballaarnaa ee Ukraine sanadkii 2022, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka ugu weyn ee Boqortooyada UK, ee GCHQ.
Tiradaas waxaa shaacisay agaasimaha GCHQ, Anne Keast-Butler, khudbadeedii ugu horreysay ee dadweynaha ay u jeediso, iyadoo ay ku faahfaahinaysay khataraha wajahaya UK iyo tallaabooyinka ay rumeysan tahay in loo baahan yahay si looga hortago.
Madaxa sirdoonka ayaa ka digtay in UK ay ku sugan tahay “waqti xasaasi ah,” iyadoo Ruushku “si joogto ah u bartilmaameedsanayo” kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.
Waxay sidoo kale Kremlin-ka ku eedeysay qorshayaal badan oo basaasnimo oo ka dhacay gudaha Ingiriiska iyo, dhawaanahan, inuu wado waxa loogu yeero “dagaal isku-dhafan” oo aan si rasmi ah loo shaacin oo ka dhan ah UK iyo dalalka kale ee NATO.
Iyadoo Kyiv iyo Moscow labaduba si joogto ah u daabacaan qiyaasaha khasaaraha dhinaca kale, haddana way ka gaabsadeen inay si faahfaahsan u sheegaan khasaarahooda gaarka ah.
Si kastaba ha ahaatee, bishii Febraayo, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay lumisay 55,000 oo askari tan iyo sanadkii 2022.
BBC News Russian ayaa tirinaysay khasaaraha dagaalka ee Ruushka iyadoo la kaashanaysa warbaahinta madaxa-bannaan ee Mediazona iyo koox mutadawiciin ah tan iyo Febraayo 2022. Waxaa la hayaa liis magacyada dadka la xaqiijiyay geeridooda iyadoo la adeegsanayo warbixinno rasmi ah, wargeysyo, baraha bulshada, iyo xabaalo ama taallooyin cusub.
Ilaa hadda, BBC-da waxay awoodday inay xaqiijiso magacyada 223,539 askari iyo saraakiil ah oo ku dhintay iyagoo u dagaallamaya dhinaca Ruushka ee Ukraine.
Waxaa la rumeysan yahay in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay aad uga sarreyso, khubarada militariga ee aan la tashannayna waxay aaminsan yihiin in falanqayntayada xabaalaha, taallooyinka dagaalka, iyo tacsiyaasha dhimashada ay matali karto 45% ilaa 65% tirada guud.
Iyadoo ka hadlaysay Bletchley Park oo ahayd xaruntii lagu jebin jiray sirta koodhadhka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka Keast-Butler waxay si gaar ah u tilmaantay Ruushka inay “beegsanayso kaabeyaasha muhiimka ah, hababka dimuqraadiyadeed, silsiladaha sahayda, iyo kalsoonida dadweynaha.”




