Agaasimihii guud ee fulinta, shirkad caan ku ah tiknoolajiyadda oo is casiley ka dib fadeexad
Agaasimihii guud, isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda weyn ee soo saarta qalabka Chip ka ee loo adeegsado Garaadka macmalka ah (AI), Nvidia, ayaa xilka iska casiley, kaddib fadeexad basaasnimo oo la sheegay inay gilgishay shirkadda.
Jensen Huang ayaa la sheegay inuu xiriir qarsoodi ah la lahaa haweeney lagu tuhunsan yahay inay ahayd basaas u shaqeysa Shiinaha, inkasta oo Beijing ay beenisay eedeymahaasi.
Agaasimaha maaliyadda ee shirkadda, Colette Kress, ayaa si ku-meel-gaar ah ula wareegi doonta xilka agaasimaha guud, inta laga helayo qof si rasmi ah loogu magacaabo jagadaas.
Saamiyada Nvidia ayaa hoos u dhacay in ka badan 10% ganacsigii ka hor furitaanka suuqa, kaddib markii la shaaciyay is-casilaadda Huang.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Singapore ayaa sheegay in Alice Huang, oo ah haweeneyda lagu tuhunsan yahay basaasnimada Shiinaha, laga mamnuucay inay dalka dib ugu soo laabato bishii Febraayo.
Waxaa la sheegay inay bixisay xog aan sax ahayn intii lagu guda jiray baaritaan lagu sameeyay shirkaddeeda fadhigeedu yahay Singapore ee Megaspeed.




