Nuxrka Qodobada Lagaga Wadahadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
Fadhigii 81-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada, waxana shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.
Ajandayaasha ugu waaweyn ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
π. ππππ₯ππππ ππ¦π§π’π π πππ«ππ§π€π:
Golaha Wasiirrada JSL ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab.
Wasiirku waxa uu sheegay in guud ahaan amniga iyo xasilloonida dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay sugan yihiin, isaga oo tilmaamay in fal-dembiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo Shilalka Gaadiidku ay yihiin arrimaha ugu waaweyn ee sababa khasaaraha naf iyo maalba leh.
π. ππππ₯ππππ ππ‘ππͺπππ₯ππ‘π πππ₯π€π:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2027-ka, taas oo gebagebo ku dhow, kaddib markii la dhammaystiray qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadaha dhammaan qaybaha kala duwan ee Dawladda, iyada oo la raacay hab-raacyadii sharci iyo maamul ee loo baahnaa.
Dhinaca kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha la wadaagay warbixin ku saabsan habsami-u-socodka ururinta dakhliga Qaranka, isaga oo xusay dedaallada ay Wasaaraddu ku bixinayso xoojinta dakhliga gudaha, gaar ahaan kobcinta Cashuuraha Berriga iyo kor u qaadista awoodda dakhliga gudaha.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka iyo saamaynta ay colaadaha iyo xasillooni-darrada amni ee gobolka iyo dunida ka taagani ay ku yeesheen dhaqaalaha, gaar ahaan korodhka qiimaha shidaalka iyo maciishadda, sicir-bararka, khalkhalka ganacsiga caalamiga ah iyo sare-u-kaca kharashaadka iyo caymiska maraakiibta.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Golaha uga xog-warramay kulankii Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada, qodobadii muhiimka ahaa ee lagu lafo-guray iyo goβaamadii laga soo saaray, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta maamulka dhaqaalaha, ilaalinta xasilloonida dhaqaale iyo ka jawaabista caqabadaha dhaqaale ee jira.
π. πππ«ππ’π±π’π§ππ ππ‘π¨π¨ππ€π ππ¨π¨π₯ππ‘π:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha dhoofka xoolaha, caqabadaha jira iyo arrimaha u baahan in lagu waajaho iskaashi iyo wada-shaqayn Dawladnimo.
Wasiirku waxa uu si gaar ah u iftiimiyey muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Xooluhu u leeyihiin kobaca dhaqaalaha, ganacsiga, dakhliga Qaranka iyo guud ahaanba nolosha bulshada JSL, miyi iyo magaalaba.
Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey mudnaanta ay Xooluhu u leeyihiin dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, caqabadaha saameeya wax-soo-saarka iyo dhoofkooda, iyo baahida loo qabo Qorshe Qaran iyo xalal waara oo lagu horumarinayo caafimaadka Xoolaha, tayada, suuq-geyntooda iyo tartankooda suuqyada caalamka.




