Madaxweynaha Somaliland oo Fariin u Soo Diray Shacabka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin ku saabsan Munaasibadda Barakaysan ee Ciidul Adxa u dirayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gudaha dalka iyo dibaddaba.
Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Allah SWT uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaasha suubban, caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqona ku gaadhsiiyo ciidan teeda kale.
Waxa uu sidoo kale shacabka ku boorrinayaa in ay adkeeyaan isku duubnida, is-caawinta iyo kaalmaynta dadka baahan; maaddaama Ciiddu tahay Maalin ku dhisan Naxariis, Walaalinimo iyo isu damqasho.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar u hambalyeynayaa uguna mahadnaqayaa Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL, Hawl-wadeennada Xukuumadda, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo door weyn ka qaata ilaalinta Qarannimada, Nabadda iyo wadajirka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ummaddiisa u rajaynayaa Ciid barwaaqo, bashbash, midnimo iyo guul Qaran ku suntan.
๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐ค.




