Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo sheegay iney Baarayaan Dad Rayid ah oo Lagu Dilay Jubada Hoose
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan dhacdo lagu soo warramay inay ka dhacday deegaanka Diigta Margoos ee aagga Kamjiroon, ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu sheegay in dad rayid ah lagu dilay weerar ay fuliyeen rag hubeysan.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in dhacdadu ay dhacday 20-kii May 2026, isla markaana guddigu uu hadda wado uruurinta xogaha la xiriira waxa dhacay iyo xaaladaha ku xeeran weerarkaasi.
Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa xusay in uu xiriirro la sameynayo maamulka deegaanka, qeybaha bulshada iyo ilo madax-bannaan si loo helo xog dhameystiran oo sugan.
Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nolosha dadka rayidka ah ay tahay xuquuq aas-aasi ah oo uu dammaanad qaaday Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Guddoomiyaha guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo dhammaan dadkii ay saameysay dhacdadan.
Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu sii wadi doono kormeerka, dabagalka iyo baarista xadgudubyada xuquuqda aadanaha si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo caddaalad.





